Soomaaliya waxaa soo food saartay xaalad halis ah oo dhanka cuntada ah

 4 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa wajahaya cunto yari aad u daran


Soomaaliya

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad halis ah oo haqab-beeleed cunto, iyadoo 4 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari aad u daran, sida lagu sheegay Warbixinta Xasaradaha Cunnada Adduunka ee 2024-ka.

Warbixinta oo lagu falanqeeyay xaaladda sugnaanta cunnada ee dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa muujineysa in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid halis ah inkastoo horumarro laga sameeyay.

Guud ahaan gobolka waxaa soo food saartay cunto yari ka sii daraysa, iyadoo 62.9 milyan oo qof - 25% dadweynaha la lafa-guray - ay u baahan yihiin gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah.

Sababta ugu weyn ee dhibaatadan ayaa ah colaadda ka taagan Suudaan, halkaasoo 25.6 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Warbixintu waxay ku baaqday dadaallo deg-deg ah oo isku xiran oo heer gobol ah si wax looga qabto sababaha keenay cunto yarida Geeska Afrika.

Post a Comment

0 Comments