Waxaa la soo gaba gabeeyay howshii shirka wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho 16-kii ilaa 19-kii June 2025

 Natiijadii ka soo baxday Shirkii Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho


Shirweynaha Wadatashiga Qaran

Shirweynaha wadatashiga qaran oo socday intii u dhaxaysay 16-kii ilaa 19-kii June 2025 ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana ka soo qeyb galay madaxda dowladda federaalka, baarlamaanka federaalka, masuuliyiin hore, ururrada bulshada rayidka ah, culumaa’udiinka, ururada siyaasadda ee ka diiwaangashan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, iyo axsaabta siyaasadda Puntland.

Shirka ayaa laga soo saaray natiijooyin la xiriira midnimada dalka, amniga, ciribtirka argagixisada, dhameystirka dastuurka, dimoqraadiyadda, iyo doorashooyinka. Gaba gabadii shirka ayaa waxaa lagu sheegay in la ilaaliyo lana xoojiyo midnimada qaranka, waxaana lagu baaqay in dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si loo hor istaago cid kasta oo isku dayda kala qeybinta dalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay guulihii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa difaaca shacabka ka gaareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab iyo Daacish, gaar ahaan buuraha Alamskad ee maamul-goboleedka Puntland, waxayna tilmaameen in xag-jirnimada ay tahay khatarta ugu weyn ee Soomaaliya soo wajahda, isagoo ku baaqay in lala dagaallamo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG ah uu yahay qoraal nool oo wax ka bedel lagu sameyn karo, iyadoo loogu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay fikradahooda ka dhiibtaan wax ka bedelka lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka iyo cutubyada loo diyaarinayo in wax ka bedel lagu sameeyo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan dib loogu laaban doorasho dadban, waxaana lagu baaqay in laga faa’iidaysto khibradda dimoqraadiyadeed ee Puntland iyo Somaliland, lana qabto doorashada golayaasha deegaanka ee gobollada kale ee Soomaaliya. Bayaanka ayaa lagu dhiirigeliyay sii socoshada wada-hadallada lagu heshiinayo qaabka doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha ee heer gobol iyo heer federaal.

Post a Comment

0 Comments