Afar jibaar...Wydad reer Morocco ayaa guuldaro kala kulmay Juventus koobka adduunka
Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa u soo baxday wareega 16-ka ee tartanka FIFA Club World Cup oo lagu qabtay dalka Maraykanka kadib markii ay 4-1 ku garaacday kooxda Wydad Casablanca ee dalka Morocco, ciyaar ka tirsanayd wareegii labaad ee Group-yada Axadii.
Juventus ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay laba gool, waxaana iska dhaliyay daafacyada Wydad ee Abdel Moneim Boutouil iyo Kenan Yildiz daqiiqadii 6-aad iyo 16-aad, halka xulka Morocco uu soo yareeyay farqiga goolasha waxaana u dhaliyay Thembinsuke Lorch daqiiqadii 25-aad.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayaa Yildiz ayaa goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee kooxdiisa u raaciyay daqiiqaddii 69-aad, Dusan Vlahovic ayaana afarta gool ku soo gabagabeeyay rigoore daqiiqadii 94-aad.
Guushan ay gaartay Juventus ayaa sare u qaaday dhibcaha 6-aad ee hogaanka Group-ka 7-aad kadib markii ay 5-0 ku garaacday kooxda Al Ain ee Imaaraadka Carabta oo ay ku wada jiraan guruubkii hore, halka Wydad ay ku hartay wax gool ah ka dib markii ay 0-2 ku garaacday Manchester City wareegii hore.
Wydad ayaa la ciyaari doonta kooxda Al Ain wareega 3-aad, halka Juventus ay wajihi doonto kooxda Manchester City oo ay iska horimaad xoogan ku jiraan.
0 Comments