Soomaaliya oo Si Rasmi ah ugu Biirtay Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Badda (IMSO)
Soomaaliya ayaa talaabo weyn ka qaaday dhinaca badaha iyo ammaanka badda iyadoo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Badda (IMSO). Tani waxay muujineysaa sida dowladda Federaalka ay uga go’an tahay horumarinta ammaanka, badbaadada, iyo tiknoolajiyadda ku saabsan hawlaha badda.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa shahaadada ka guddoomay Xoghayaha Guud ee Ururka Maraakiibta Caalamiga ah (IMO), Arsenio Dominguez, intii lagu guda jiray kulanka 34-aad ee Kalfadhiga Joogtada ah ee IMO ee London.
Xubnaha dowladda ayaa sheegay in go’aankan uu xoojinayo wada-shaqeynta caalamiga ah iyo ka faa’iideysiga nidaamyada isgaarsiinta satellite-ka ee muhiimka u ah badbaadada badda, howlaha samatabbixinta, iyo kormeerka waqtiga-dhabta ah ee maraakiibta ku shaqeeya biyaha Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay mas’uuliyiinta sare ee dekedda Muqdisho, Ambassador Maxamed Cali Nuur (Americo), iyo Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Ingiriiska, Cabdulkadir Cabdi Xashi. Wasiirka iyo Xoghayaha Guud ayaa ka wada hadlay sidii iskaashigu uga caawin lahaa casriyeynta hay’adaha badda Soomaaliya, xoojinta sharciyada xeebaha, iyo ilaalinta kheyraadka badda ee dalka.
Tani waa talaabo muhiim ah oo u horseedi doonta Soomaaliya horumar ballaaran dhinaca badaha iyo isgaarsiinta casriga ah.

0 Comments