Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay shirkii Golaha Talada Qaranka

 Soomaaliya: Dib u dhigista shirkii Golaha Talada Qaranka


Golaha Talada Qaranka

Dowladda Federaalka ayaa maanta ku dhawaaqday in dib loo dhigay shirkii Golaha Talada Qaranka Soomaaliyeed ee lagu waday in uu qabsoomo 22-ka bishan June, lana gaarsiiyo 15-ka Luulyo, si loogu diyaar garoobo munaasabadda todobaadka xorriyadda dalka.

War saxaafadeed rasmi ah oo ay dowladdu soo saartay ayay ku tiri: “Iyadoo la tixgelinayo muhimadda uu leeyahay toddobaadka xorriyadda iyo u diyaar garowga xuska, waxaa taariikhda shirka golaha wadatashiga qaranka – oo uu hore u asteeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 22-ka June, dib loo dhigay 15-ka Luulyo, 2025, haddii Eebbe idmo.

Shirka golaha oo la filayay in ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada federaalka ah ee Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir, iyo dowladda federaalka ayaa u jeedkiisu uu yahay in looga hadlo arrimaha dalka oo dhan oo xasaasi ah, sida doorashooyinka, dib u habeynta dastuurka, xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.


Post a Comment

0 Comments