Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Dugsiga Sheekh Cuthmaan Haddag
Arbacadii, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Mongaab, ayaa dhagax dhigay mashruuca lagu dhisayo dugsiga aasaasiga ah ee gabdhaha oo si gaar ah loo leeyahay, kaasoo loogu magac daray Sheekh Cusmaan Haddag, kaasoo laga hirgeliyay degmada Gubadli ee caasimadda Muqdisho, iyadoo lagu xusuusan doono daaciga iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Haddag oo ku caan baxay howl-karnimada iyo wacyi-gelinta.
Dr. Mongaab oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in uu ka shaqeeyo horumarinta iyo tayeynta waxbarashada Gobolka Banaadir, isagoo xusay in maamulkiisu uu si gaar ah u dhiirigelinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, isla markaana sare loogu qaadayo heerka waxbarasho. Dr.Mongaab ayaa bogaadiyay doorka shacabka Gubadli iyo sida ay uga qeyb qaadanayaan horumarinta degmadooda oo ay isku kalsoon yihiin.
Dr.Mongaab ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Gubadli gaar ahaan iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho in ay tagaan goobaha diiwaan gelinta si ay ugu diyaar garoobaan sidii ay codkooda uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada golaha deegaanka iyo cidda ay ku matali karaan maamulka degmooyinka ay degan yihiin, waxaana uu kula dar daarmay in ay ka faa’ideystaan fursadan.
Dhagax dhiga Mashruuca Dugsiga Aasaasiga ah ee “Sheekh Cusmaan Haddaag” ee Degmada Gubadli ayaa ku soo aadaya iyadoo uu socdo mashaariic waxbarasho oo dhowr ah oo Dr. Mongaab uu dhagax dhigay maalmihii la soo dhaafay, isagoo fulinaya balan qaadkiisii ahaa horumarinta hanaanka waxbarasho ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cuthman Haduli, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Dirix, Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudane Maxamed Cabdullaahi Taali iyo Guddoomiyaha Degmada Gubadli Mudane Cabdalla Kaalmi.
0 Comments