Esperance waxay ku dhacdaa Flamengo koobka kooxaha aduunka
Kooxda Esperance ee dalka Tunisia ayaa xirfadeeda ku bilaabatay ciyaaraha kooxaha aduunka, kadib markii ay 0-2 kaga badisay kooxda Flamengo ee Brazil Isniintii, kulan ka tirsan wareega koowaad ee Group D, tartankaasi oo lagu qabtay dalka Mareykanka.
Esperance ayaa qeybtii hore ee ciyaarta u muuqatay mid aan la dhacsanayn,waxana ay u suurta gali wayday in ay halis yar ku keento goolka xulka Brazil si ka duwan qaybtii dambe ee ciyaarta,waxana ay heshay in ka badan hal fursad oo ay gool ku dhalin kartay,gaar ahaana xiddigeeda ruug cadaaga ah ee Aljeeriya ee Youssef Belaili,balse ma aysan dhalin.
Kooxda Flamengo ayaa daqiiqadii 17-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga reer Uruguay ee Giorgian de Arascaeta,halka goolka 2-aad uu u dhaliyay xiddiga Luiz Araujo daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta.
Kooxda Esperance oo markii afraad ee taariikhdeeda ka qayb galeysa koobka kooxaha aduunka ayaa ku hartay dhibco la’aan, halka kooxda Flamengo oo ah hogaamiyaha horyaalka Brazil ay heshay 3-dii dhibcood ee ugu horeysay ololaheeda group-yada.
Flamengo ayaa kaalinta kowaad ee group-ka la wadaaga Chelsea oo guul isku mid ah ka gaadhay Los Angeles.
Flamengo, oo ah kooxda saddexaad ee Koobka Adduunka ee 2022 ee Morocco, ayaa la kulmi doonta Chelsea wareegga labaad, taas oo markhaati ka noqon doonta iska horimaad xun oo dhexmara Esperance iyo Los Angeles.
Waxaa xusid mudan in hogaamiyaha group-ka iyo kan labaad ay u soo bixi doonaan wareega 16-ka, sida uu qabo sharciga tartanka.
0 Comments