Qiimaha gaaska Yurub ayaa sare u kacay iyadoo colaaduhu ay sii kordhayaan bariga dhexe
Qiimaha gaaska dabiiciga ah ayaa sii waday inuu sare u kaco bilawga ganacsiga Yurub iyadoo laga cabsi qabo suurtagalnimada in la ballaariyo baaxadda dagaalka socda ee u dhexeeya Israel iyo Iran, iyo saameynta uu ku leeyahay suuqyada tamarta adduunka.
Bloomberg News ayaa soo warisay, Isniintii, in qiimaha qandaraasyada mustaqbalka ee macaamilada Yurub ay kor u kaceen maanta 2.2 boqolkiiba ka dib markii ay kor u kaceen jimcihii dhammaadka ganacsiga usbuucii hore 4.8 boqolkiiba.
Colaadda furan ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Iran ayaa galay maalintii afraad iyada oo aanay jirin wax calaamado ah oo degenaansho ah dhawaan, taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo in uu ballaadhiyo baaxadda dagaalka gobolka Bariga Dhexe oo qani ku ah Saliida iyo Gaaska.
Cabsida laga qabo in la carqaladeeyo dhaqdhaqaaqa booyadaha gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee mara marinka Hormuz ee ka dhashay dagaalka Israel iyo Iran ayaa loo arkaa welwelka ugu weyn ee ganacsatada suuqa gaaska.
In kasta oo sahayda gaaska dareeraha ah ee gobolka ka timaadda aanay ilaa hadda wax saamayn ah ku yeelan, carqalad kasta ayaa keeni doonta in sahaydu yaraato wakhtiga muhiimka ah ee kaydinta gaaska Yurub ka hor xilliga jiilaalka ee soo socda.
Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee isku haya bariga dhexe ayaa isku beddeshay dagaal toos ah Jimcihii, markii Israa’iil ay weerarro lama filaan ah ku qaadday ciidammada Iran iyo xarumaha Nukliyeerka, waxaanay Iiraan kaga jawaabtay weerarro waaweyn oo ay ku garaacday gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo burbur aan hore loo arag u geystay dhul ballaadhan oo Israa’iil ah.
Dhinaca kale, ololaha cirka ee Israa’iil waxay xaqiijisay inay hawada kaga sarreyso Iran iyo daciifnimada nidaamka difaaca hawada ee Iran, halka Iran aysan haysan wax kale oo aan ahayn inay ku jawaabto gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Ganacsatada Yurub ayaa sidoo kale isha ku haya carqalado kale oo ku yimaada dhoofinta Norway, oo ah tan ugu weyn ee keenta gaasta dhuumaha gobolka, maadaama tas-hiilaadka waaweyn lagu hayo dayactir xilliyeedka. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli uu heer kulku sare u kacayo inta badan gobollada qaaradda, taasoo sare u qaadaysa baahida tamarta loo baahan yahay qaboojinta.
Markay tahay 8:30 subaxnimo waqtiga Amsterdam, qandaraasyada mustaqbalka ee Nederlandka ee dhalmada bisha soo socota, kuwaas oo ah qandaraasyada caadiga ah ee gaasta Yurub, ayaa kor u kacay 1.8 boqolkiiba ilaa 38.85 euros megawatt-saacaddii, heerkii ugu sarreeyay tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay.
0 Comments