Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ujeedkiisu yahay sidii looga wada tashan lahaa arrimaha siyaasadda iyo amniga

 Siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan mucaaradka dalka ayaa kulan ay uga hadlayaan xaaladda dalka ku yeeshay magaalada Muqdisho


Siyaasiyiinta sare ee mucaaradka

Shalay oo Jimco ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdisho shir ku yeeshay siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan mucaaradka dalka, waxaana kulankaas uu ahaa mid ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka iyo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan arrimaha doorashada.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Sheekh C/qaadir Macalin Nuur, Musharaxa Madaxweyne ahna Hogaamiyaha Xisbiga “Samadoon”, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Xasan Cali Khayre, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa tilmaamay in dowladda ay ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse waxa ay ugu baaqeen in la qabto wada xaajoodka qaran ee ay ku baaqday, lana ballaariyo ka qeyb galka. Waxa ay sidoo kale ka digeen isku day kasta oo lagu doonayo in lagu sii dhegaysto talada dalka, waxa ayna carabka ku adkeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in la qabto doorasho ay ku heshiiyaan daneeyayaasha siyaasadda.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo siyaasadda Soomaaliya ay ka taagan tahay hubanti la’aan ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka soo horjeeda ee ku aadan qorshaha dowladda ee doorashooyinka soo socda. Kulanka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu tiriyaa inuu qeyb ka yahay shirar mucaaradku ay ku yeelanayaan gudaha dalka iyo dibadda oo looga gol leeyahay in dowladda lagu cadaadiyo in ay soo fariisato miiska wada hadalka si looga hadlo arrimaha taagan.

Post a Comment

0 Comments