Luka Modric ayaa isaga tagi doona kooxda Real Madrid kadib marka uu dhamaado koobka kooxaha aduunka

 Modric ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo Real Madrid


Luka Modric

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Croatia Luka Modric ayaa Khamiistii sheegay inuu ka tagi doono kooxda Real Madrid marka uu dhamaado tartanka FIFA Club World Cup, xilli ciyaaryahanka ugu guulaha badan taariikhda kooxda iyo ku guuleystaha Ballon d’Or 2018 uu isku diyaarinayo inuu soo afjaro xirfadiisa koobab ee Spain.

Modric, oo kooxda kusoo biiray 2012, ayaa Real Madrid la soo ciyaaray ku dhawaad ​​600 oo kulan, waxaana uu kula guuleystay ku dhawaad ​​30 koob oo ay ku jiraan lix koob oo Champions League ah, iyo afar koob oo horyaalka heerka koowaad ee Spain ah.

Kullankiisa ugu dambeeya ee Santiago Bernabeu waxa uu noqon doonaa Sabtida soo socota, marka uu dhammaado horyaalka ee Real Sociedad, Modric oo 39 jir ah ayaa sheegay inuu ka tagi doono ka dib markii uu u tartamayo Koobka Kooxaha Adduunka, kaasoo bilaabanaya bisha soo socota.

Modric ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo qoray: Waqtigu wuu yimid. Daqiiqad aanan marnaba rabin inaan imaado, laakiin tani waa kubbadda cagta, wax kasta oo noloshuna waxay leeyihiin bilow iyo dhammaad. Sabtida waxaan ku ciyaari doonaa kulanka ugu dambeeya garoonka Santiago Bernabéu. Real Madrid waxa ay badashay nolosheyda ciyaaryahan ahaan kubada cagta iyo shaqsi ahaan, waxaana ku hanweynahay in aan qeyb ka ahaado mid kamid ah waayihii ugu guulaha badnaa kooxda ugu wanagsan taariikhda.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: In kasta oo aanan shaadhkan ku xidhan doonin garoonka dhexdiisa ka dib koobka kooxaha adduunka, had iyo jeer waxa aan ahaan doonaa Madridista.



Post a Comment

0 Comments