Golaha Wasiirada Sacuudiga ayaa ansixiyay heshiis dhanka amniga ah oo ay Soomaaliya la gashay la dagaalanka Argagixisada
Intii lagu guda jiray kalfadhigii uu yeeshay Talaadadii, May 20, oo uu hogaaminayay Siihayaha Labada Masjid ee Barakeysan Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud ee Jeddah, Golaha Wasiirada Sacuudiga ayaa ansixiyay heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah oo ay la galeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya (NISA), kaas oo lagu taageerayo dadaallada Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta amniga gobolka.
Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Madaxtooyada Qaranka ee Boqortooyada Sacuudiga iyo Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo la isku weydaarsanayo xogta iyo khibradaha la xiriira la dagaallanka ururada argagixisada ah oo ay ugu horreeyaan Al-Shabaab iyo Daacish oo khatar joogto ah ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Talaabadan ayaa timid kadib heshiis dhanka difaaca ah oo todobaadkii hore ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Difaaca ee labada dal, taasi oo cadeyneysa inuu sii xoogeysanayo xiriirka amni iyo midka diblomaasiyadeed ee Boqortooyada iyo Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirada Sacuudiga waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda istiraatijiyadeed ee heshiiskan, iyagoo carabka ku adkeeyay sida ay Boqortooyada Sacuudiga uga go’an tahay inay taageerto xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo marayo iskaashi amni oo wax ku ool ah oo gacan ka geysta xoojinta amniga gobolka iyo kan caalamiga ah.
Falanqeeyayaasha amniga iyo kormeerayaasha ayaa bogaadiyay tallaabadan, waxayna u arkeen inay muujineyso iskaashiga istiraatijiyadeed ee u oggolaanaya labada dal inay si wanaagsan isugu dubbaridaan dadaallada looga hortagayo khataraha guud, iyadoo la eegayo raadinta joogtada ah ee Soomaaliya ee taageerada caalamiga ah ee dagaalka safka badan leh ee ay kula jirto kooxaha xagjirka ah ee ka firfircoon xuduudaheeda.

0 Comments