Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku geeriyootay kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal beeleed ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

 Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay bartamaha Soomaaliya


Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen kadib dagaal gacan ka hadal ah oo labo beelood ku dhex maray duleedka Dusmrib, kaasi oo ka dhashay muran dhul.

Dagaal beeleed ayaa xalay billowday, waxaana uu weli ka socdaa deegaan hoostaga magaalada Doosmareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Dagaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug ay ka dhacayaan colaado salka ku haya aanooyin qabiil.

Post a Comment

0 Comments