Xamza Cabdi Berri ayaa soo gunaanaday Madasha Maghan

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray Madasha Falanqaynta Maalgashiga ee Magen


Maghan Forum

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah soo xiray Madasha Magen, oo ah madal muhiim ah oo lagu lafa gurayay sidii dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay isaga kaashan lahaayeen maalgashiga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha shirka in ay xoojiyaan dadaalkooda ku aadan wadashaqeynta dowladda iyo ganacsatada si loo gaaro horumar waara, loogana faa’ideysto kheyraadka dalka.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la abuuro kalsooni iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta ganacsatada iyo dowladda, taasoo saldhig u noqon karta horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Magn Forum waxa ay hiigsaneysaa in la abuuro jawi furan oo la isku dhaafsado fikrado laguna soo bandhigo qorshayaal maalgashi oo wax ku ool ah, si Soomaaliya ay u gaarto hadafkeeda ah in ay noqoto dal u furan maalgashi iyo horumar dhaqaale oo waara.

Post a Comment

0 Comments