Xamza Cabdi oo soo saaray go’aan muhiim ah oo khuseeya canshuuraha iyo maamulka dakhliga

 Go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Canshuuraha


Golaha Wasiirada Soomaaliya

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa laga soo saaray go’aan muhiim ah oo ku saabsan canshuuraha iyo maareynta dakhliga, waxaana qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin.

Marka loo eego Xeerka Maareynta Maaliyadda Dadweynaha ee 2019, dhammaan dakhliga dawladda waa in lagu xareeyaa oo lagu maamulaa kaliya Khasnadda Keli ah (TSA).
 
Waa mamnuuc in dakhliga dawladda lagu hayo akoon bangi oo aan ahayn Xisaabta Isku-jirta Qasnadda (TSA).
 
Dakhliga dowladda federaalka waxaa ku jira dhammaan lacagaha ay helaan hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad dowladeed .
In Wasaaradda Ganacsiga loo xilsaaro in ay soo baarto khilaafka u dhaxeeya Ganacsatada, una soo gudbiso Golaha Wasiirada.

U xilsaaray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada inay dejiso qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ku saabsan gaadiidka badeecadaha ee dekedda Muqdisho, loona gudbiyo Golaha Wasiirrada.

Dhammaan cashuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada la ururiyo si waafaqsan sharciyada iyo xeerarka kala duwan ee khuseeya.

 Wasaaradda Maaliyaddu waa hay’adda keliya ee u xilsaaran ururinta, maaraynta iyo daba-galka dhammaan noocyada dakhliga ee dawladda.
 Dhammaan hay'adaha kale ee dawladda, ha ahaadeen rayid ama ciidanba, waxaa ka mamnuuc ah inay ururiyaan ama maamulaan dakhliga dawladda, oo ay ku jiraan dhammaan cashuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada.

Dib u eegis heshiisyada iyo qandaraasyada aan waafaqsanayn Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda ee 2019 iyo Xeerka iibka Qaranka ee 2016.

In Wasaaradda Maaliyadda loo xilsaaro inay si hordhac ah u bixiso kharashaadka ku baxaya heshiisyada dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, si joogto ahna looga ilaaliyo ciqaabta sharciga ah.

In Wasaaradda Ganacsiga loo xilsaaro in ay soo baarto khilaafka u dhaxeeya Ganacsatada, una soo gudbiso Golaha Wasiirada.

U xilsaaray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada inay dejiso qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ku saabsan gaadiidka badeecadaha ee dekedda Muqdisho, loona gudbiyo Golaha Wasiirrada.

Post a Comment

0 Comments