Axmed Faki ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Wang Yu, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Shiinaha


Axmed Faki

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Faki, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Wang Yu, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay u soo magacawday Soomaaliya.

Intii ay socotay munaasabadda lagu soo bandhigayay bandhigga oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada Muqdisho ayaa wasiir Faki waxa uu si diiran u soo dhaweeyay safiirka cusub ee Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay ugana mahadcelinayaa taageerada ay Dowladda Shiinaha u fidisay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments