Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Britain
Isniintii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashooyinka, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku nuux-nuux saday sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadweyne.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Doorashooyinka iyo Axsaabta, kaasi oo loo gudbin doono Baarlamaanka Federaalka si ay cod ugu qaadaan.
0 Comments