Mas’uul ka tirsan maamulka degmada ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay magaalada Balad Xaawo

 Sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka ayaa ku dhintay 4 askarina waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay koonfurta Soomaaliya


Magaalada Balad Xaawo

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ku xigeenkii hore ee maamulka “Balad Xaawo” uu naftiisa ku waayay weerarka lagu bartilmaameedsaday saldhiga magaalada oo ku yaalla meel ku dhow xadka Kenya.

Waxaa xusid mudan in Xarakadda Al-Shabaab ee taabacsan Al-Qaacidda ay weeraro ku qaadaan mas’uuliyiinta iyo xarumaha dowladda Soomaaliya ee ku yaalla gobollada dalka.

Post a Comment

0 Comments