Shirka madaxda golaha wadatashiga qaran ee dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo
9-ka bishan August ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka wadatashiga madaxda golaha wada tashiga qaran, iyadoo shirkan uu ka yimid madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Mudarebi.
Waxaa dib u dhacay shirkii lagu waday in bishii hore lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu qaadi lahaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda deegaanada Jubbaland.
Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro dhowr qodob oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka 2026-ka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale laga yaabaa in uu ku cadaadiyo madaxda dowlad goboleedyada in ay qabtaan doorasho deg deg ah si loo cusboonaysiiyo xilalkooda.
0 Comments