Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista safiiro cusub
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista 12 safiir oo cusub iyo labo qunsuliyadood si loo xoojiyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.
Magacaabida dublamaasiyiinta cusub ayaa ku soo beegantay fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Go’aanka uu goluhu qaatay intii uu socday kalfadhiga ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa joogitaanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee dalal kala duwan. Dowladda federaalku ma aysan cayimin dalalka la geyn doono diblomaasiyiinta la magacaabay.
0 Comments