Xamza Cabdi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Doha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Qatar


Xamza Cabdi

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamtay in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka qeyb geli doono shirka qurba-joogta Soomaaliyeed, isla markaana uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxyaabihii u qabsoomay dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamzah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Post a Comment

0 Comments