Labo qof oo mid uu yahay askari ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Beledweyne
Labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka midka kalena uu ahaa rayid ayaa maanta ku dhintay qarax miino oo ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Qaraxa ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacantay Haweeney maamuleysay Maqaayada ay fariistaan Ciidamada Dowladda.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weeraro noocaan oo kale ah ka geystay magaalada.
0 Comments