James Swan oo booqasho ku tagay maamul goboleedka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya ayaa kala hadlay madaxweynaha maamulkaasi

 Ergeyga Qaramada Midoobay oo bogaadiyay horumarka ka socda Puntland


James Swan iyo Siciid Cabdullaahi Deni

Sabtidii, Ku-simaha Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa booqasho ku tagay Maamul-goboleedka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay Madaxa Xukuumadda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, arrimo badan oo khuseeya gudaha iyo dalka.

Swan ayaa bogaadiyay dadaallada ay maamulka Puntland ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka Berri, isla markaana ay dejiyeen colaadaha qabaa’ilka, wuxuuna ku baaqay in laga digtoonaado falalka burcad badeednimada ah ee soo cusboonaaday iyo sii socoshada tahriibka ka socda gobolka.

Wuxuu soo dhoweeyay waayo aragnimada dimuquraadiyadeed ee ka jirta Puntland iyo sida uu maamulku diyaarka ugu yahay in doorashada deegaanka ay ka dhacdo saddex degmo oo ka tirsan gobolka Nugaal oo ay ku jirto caasimadda Growe.

Wadahadalka dhexmaray mas’uulkan caalamiga ah iyo madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo qaaday ololaha ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, hannaanka dib u habeynta dastuurka, iyo marxaladda doorashada ee soo socota, isagoo xusay in Soomaaliya ay horumar baaxad leh gaartay sanadihii u dambeeyay, balse wuxuu tilmaamay. Caqabado badan oo weli jira, iyaga oo ku nuuxnuuxsanaya baahida loo qabo in laga gudbo.

Swan ayaa ku micneeyay in maslaxadda shacabka Soomaaliyeed ay ku jirto in madaxda Soomaaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ay ka gudbaan khilaaf kasta oo jira, isla markaana la helo qaab ay ku wada shaqeeyaan.

Wuxuu ku yiri qoraalkiisa “Dadaallada Qaramada Midoobay waxay taageerayaan Qorshaha Horumarinta Puntland, kaas oo isna waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah ee Qaramada Midoobay”.

"Kaalmada bini'aadantinimo ee ay bixiso Qaramada Midoobay waxaa ka mid ah taageero ballaaran oo wax looga qabanayo cunto yarida, baahiyaha caafimaadka, iyo shuruudaha barakacayaasha gudaha, iyo hawlo kale oo badan" in la taageero horumarka shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya .

Post a Comment

0 Comments