Axmed Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, Korneyl David Haskell

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo qaabilay Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka


Axmed Madoobe iyo Korneyl David Haskell.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Korneyl David Haskell.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada dhanka amniga ah ee dowladda Mareykanka ay siiso dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland Maxamed Axmed Sabri iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sareeye Gaas Ismaaciil Saxardiid.

Post a Comment

0 Comments