Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Asmara
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxa ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweyne Isaias Afwerki.
Booqashada Madaxweynaha ee Eritrea oo ah tii lixaad muddo labo sano gudahood ah, ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo labada dal ay doonayaan inay xoojiyaan xiriirkooda, isla markaana ay ka hadlaan arrimaha muhiimka ah.
Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in habeen dambe ay ka wada hadlaan iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya dalalkooda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loogana horumarin lahaa dhinacyo kala duwan, iyadoo sidoo kale ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka.
0 Comments