Xamza Cabdi Berri oo u ambabaxay caasimadda Ciraaq ee Baqdaad

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u ambabaxay dalka Ciraaq si uu ugala hadlo xoojinta xiriirka labada dal


Xamza Cabdi Berri

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xamza uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Ciraaq, Muxamed Shi’a Al-Sudani, oo booqasho ku jooga dalka Ciraaq.

Waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu inta uu ku sugan yahay magaalada Baqdaad uu la kulmo madaxda dalka Ciraaq, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadli doona iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ciraaq, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dal.

Post a Comment

0 Comments