Somalia: 4 caruur ah ayaa ku dhaawacantay madfac ku dhacay guri ku yaala magaalada Baydhabo
Afar caruur ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii madfac uu ku dhacay guri ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, dhowr madfac ayaa ku soo dhacay meelo kala duwan oo magaalada ah, kuwaasoo sababay dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.
Laamaha ammaanka ee xiriirka la leh Maamulka Gobolka, ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin madaafiicdaasi iyo khasaaraha ka dhashay iyo khasaaraha kale ee ka dhashay.
0 Comments