Magacaabida Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo loo magacaabay Xil cusub
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar inuu noqdo mas’uul u qaabilsan Arrimaha Bulshada Bariga Afrika.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Berri ayaan lagu cadeyn in Cumar uu sii ahaan doono Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo in laga qaadi doono xilka Wasiirnimo.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2023-kii loo ogolaaday in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ka dib in ka badan 10 sano oo wadahadallo adag uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2011-kii, xilligaasoo qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ay ka biyo diideen in Soomaaliya lagu daro Urur Goboleedka IGAD.
0 Comments