Xamza Cabdi oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka

 Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kawada hadlaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga


Xamza cabdi iyo Safiirka Dowladda Mareykanka

Arbacadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Richard Reilly.

Ra’iisul Wasaare Hamzah iyo Danjire Richard ayaa ka wada hadlay danaha labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan horumarka dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada iyo horumarrada la gaaray labadii sano ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaare Xamzah ayaa la wadaagay Safiirka Mareykanka Richard Reilly in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in la qaato qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin heshiiska sharci darada ah ee Itoobiya iyo Somaliland.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhankiisa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyo kala duwan, wuxuuna ugu hambalyeeyay xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddada 2025-2026.

Ugu dambeyn, Danjire Richard Reilly ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna xusay in shirkadaha Mareykanka ay aad u daneynayaan inay maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments