Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Galmudug
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa gaaray magaalada Dosmarib ee xarunta maamulka Galmudug.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kareex “Gor Gor”, iyagoo kala hadlay hanaanka dib u eegista Dastuurka iyo caqabadaha amni iyo bini’aadantinimo.
Waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa colaadaha qabaa’ilka ee ka jira deegaanada maamulka iyo sidii loo dhisi lahaa loona kobcin lahaa tayada booliska iyadoo la kaashanayo barnaamijka wadajirka ah ee booliska.
Danjire Swan ayaa xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in Galmudug ay ka taageerto arrimaha mudnaanta leh ee la xiriira dhismaha dowladnimada iyo nabadda, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweyne Gor Gor iyo dowladdiisa wadashaqeynta xooggan ee ay la leeyihiin.
0 Comments