Wasiirka Amniga Gudaha oo la kulmay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Dacco Coppi.
Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda amniga gudaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sii xoojiyay iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay is dhaafsiga aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo doorka saaxiibada caalamka ee ku aadan taageerada iyo horumarinta Booliska Soomaaliyeed.
0 Comments