Midowga Yurub ayaa cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho

 Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho


Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa Isniintii cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray maqaayad ku taal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ay muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Xidhiidhku waxa uu bayaan uu soo saaray ku yidhi, “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa weerarkii shalay lala beegsaday goob lagu shaaho oo ay buux dhaafiyeen dad isugu soo baxay si ay u daawadaan finalka koobka qaramada Yurub 2024”. "

Wuxuu intaas ku daray: “Midowga Yurub wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibanayaasha, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta dhaawaca ah, isagoo carabka ku adkeeyay inay garab taagan yihiin Soomaaliya xilligan adag.

Post a Comment

0 Comments