Diidmo ay sameeyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

 Qaar ka mid ah wakiilada ayaa ka soo horjeeda canshuuraha ay Wasaaradda Maaliyaddu ku soo rogtay wax kala iibsiga elektaroonigga ah


Baarlamaanka

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka hadlay kulanka Baarlamaanka ayaa si kulul uga soo horjeestay qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo rogtay lacagaha canshuuraha ah ee lagu soo rogayo wax kala iibsiga Elektrooniga ah.

Xildhibaan Faa’iza Maxamed Geti iyo Xildhibaan Taahir Amiin Jisu oo ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid dhibaato weyn ku haya shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, waxayna intaa ku dareen in Golaha Shacabka laga rabo in uu tallaabo ka qaado, lana xisaabtamo Wasaaradda Maaliyadda.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Wasaarada Maaliyada Somalia ay sheegtay inay canshuur kusoo rogi doonto lacagaha lagu soo xawilo Taleefanada, taasi oo ay si weyn u isticmaalaan shacabka Muqdisho.

Post a Comment

0 Comments