Dab xoogan ayaa ka kacay Suuq ku yaala Xaafada Hinti Wadag

Dab xoogan ayaa ka kacay suuq ku yaala magaalada Johar

Xaafada Hinti Wadag

Dab xooggan ayaa subaxnimadii maanta oo Axad ah ka kacay Suuq ku yaalla xaafadda Hinti Wadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sida ay sheegeen ganacsatada deegaanka, dabka ayaa si degdeg ah ugu fiday qeybaha kala duwan ee xarumaha ganacsiga ee suuqa weyn ee magaalada oo 90-KM dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa baabi’iyay 3 qeybood oo ka mid ah suuqaasi, waxaana wali dab damiska ay la tacaalayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen dabkaasi khasaaraha geystay.

Tan waxaa loo arkaa dhacdadii labaad ee nooceeda ah in ka yar hal sano, iyo Oktoobar 2024, dab la mid ah oo isla suuqaas ka kacay ayaa geystay khasaare hantiyeed oo la taaban karo.

Post a Comment

0 Comments