Xamza Cabdi ayaa beeniyay in dowladiisa ay cunaqabateyn kusoo rogtay maamulka Puntland

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa beeniyay in Xukuumaddiisu ay cunaqabatayn ku soo rogtay Maamulka Puntland


Xamza Cabdi

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyay in dowladdiisa ay cunaqabateyn ku soo rogtay maamulka Puntland, inkastoo labada dhinac uu muddo labo sano ah u dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Berri ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland inay is hortaag ku sameynayaan mashaariicda dowladda Federaalka ay ka wado deegaanada maamulkaasi, islamarkaana ay diidan yihiin in dowladda Federaalka ay la socoto fulinta qorshayaasha horumarineed.

Wuxuu ku dhaliilay maamulka Puntland inay caqabad ku yihiin wada shaqeynta hay’adaha heer gobol iyo heer federaal, taasoo uu sheegay inay muhiim u tahay sidii shacabka loogu fulin lahaa mashaariic caalami ah.

"Dowladda Puntland waxay marin habaabisay shacabkeeda, waxayna abuuraysaa jahawareer si ay uga jeedsato arrimaha dhabta ah," ayuu yiri Barre. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in shacabka Puntland loo ogolaado inay helaan mashaariic horumarineed oo ay xaqa u leeyihiin, isagoo ku nuux-nuux saday in korjoogteynta federaalku ay lagama maarmaan u tahay isla xisaabtanka iyo hufnaanta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdul-Ghaffaar Cilmi Hangi ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay Puntland ku wareejisay lacag dhan 6 Milyan oo Doollar, balse waxaa arrintaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Ceydiid Duuraar, taasi oo muujineysa in lacagtaasi ay ka timid dhanka Puntland. Bangiga Adduunka oo aan wax xiriir ah la lahayn dowladda Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments