Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay
Axadii, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kula kulmay ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta dowladda federaalka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.
Swan ayaa bogaadiyay xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac, isagoo muujiyay sida uu u danaynayo arrimaha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.
0 Comments