Bihi Aghi oo la kulmay Jihad Azour, Agaasimaha Waaxda Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya ee Sanduuqa Lacagta Adduunka

 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Washington kula kulmay Agaasimaha Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF


Bihi Aghi iyo Jihad Azour

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iman Aghi, ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay Jihad Azor oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarka laga gaaray barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee saddexda sano ah, kaasoo ujeedkiisu yahay in kor loo qaado abaabulka dakhliga gudaha iyo horumarinta maamulka maaliyadda dowladda.

Wasiir Biixi ayaa bogaadiyay wada shaqaynta joogtada ah ee ay la leeyihiin hay’adda lacagta adduunka ee IMF, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka midho-dhalinta ujeedooyinka barnaamijka.

Dhankeeda, maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa xaqiijiyay inay taageerayaan dadaallada dib u habeynta Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado si guul looga gaaro arrimahan.

Post a Comment

0 Comments