Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay saraakiisha ciidamada
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlay madaxda sare ee ciidamada xoogga dalka xaaladda amni ee dalka.
Intii uu socday kulanka ayaa saraakiisha ciidamada waxa ay si faah faahsan uga warbixiyeen tallaabooyinka amniga lagu xaqiijinayo iyo howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin, iyadoo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

0 Comments