Wasiirka Maaliyada Somaliya Biixi Iman Aghi Oo Ka Qayb Galay Shirka Wasiirada Wasaaradaha Geeska Afrika

 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya shirka heer wasiir ee Hindisaha Geeska Afrika


Wasiirka Maaliyada Somaliya Biixi Iman Aghi

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Aghi ayaa ka qeyb galay shirka heer wasiir ee Hindisaha Geeska Afrika, kaasoo maanta oo Talaado ah ka furmay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Inta uu socdo kulanka ayaa wasiiradu waxa ay uga wada hadli doonaan arrimo la xiriira dhiiri gelinta is dhexgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo iskaashiga dalalka gobolka, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Kulankan ka dhacay magaalada Addis Ababa waxa uu daliil u yahay sida ay uga go’an tahay dalalka Geeska Afrika inay iska kaashadaan, xoojiyaan xidhiidhka dhaqaale, daah-furka fursadaha ganacsi ee gaarka ah, iyo horumarinta barwaaqada iyo xasiloonida gobolka oo dhan.

Post a Comment

0 Comments