Mareykanka ayaa ugu dambeyntii helay xoogaa guulo ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada

 Mareykanka ayaa xaqiijiyay in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay caqabadaha ciidamada Soomaaliya oo Mareykanka uu taageero ay mararka qaar la kulmaan dagaalka.

Austin ayaa hadalkan jeediyay kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay codsi ah in wejiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada Afrika ee dalkeeda muddo saddex bilood ah dib loo dhigo.

Mareykanka ayaa dadaal ugu jira dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano “Danab” oo ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo Jabuuti kula kulmay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, ayaa ka codsaday Xukuumadda Washington inay taageero siiso dowladdiisa, oo ay caqabado kala kulmaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Post a Comment

0 Comments