Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Ankara
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagixiso ee shalay oo Axad ahayd ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, laguna beegsaday xarunta Taliska Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku xaqiijisay in ay garab taagan tahay Turkiga dagaalka uu kula jiro argagixisada, isaga oo diiday nooc kasta oo qalalaaso iyo argagixisanimo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyay sida ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Turkiga, iyadoo sidoo kale loogu duceeyay inta ku dhaawacantay inuu Alle bogsiiyo.
0 Comments