Tiro Madaafiic ah ayaa waxaa ku dhintay Haweeney uur leh, waxaana ku dhaawacmay 4 kale

 Madaafiic ayaa ku soo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho


Xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Tiro madaafiic ah ayaa maanta ku soo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ku dhintay haweeney uur leh, waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo kale.

Sida ay qortay Shabakadda Wararka Caasimadda, illaa 8 madfac ayaa laga soo tuuray degmada Kaxda ee caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo si aan kala sooc lahayn ugu dhacay xaafado ka tirsan magaalada.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin madaafiicdaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Tiro madaafiic ah ayaa maanta ku soo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ku dhintay haweeney uur leh, waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo kale.

Post a Comment

0 Comments