Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in ay ansixiyeen in muddo bil ah dib loo dhigo 3,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ay socdaan wada hadallo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ku saabsan wajiga labaad ee bixitaanka ciidamada Afrika.
Golaha amaanka ayaa ugu baaqay howlgalka midowga Africa in ay sii wataan waajibaadkooda shaqo, waxa uuna sidoo kale ku booriyay dowladda Soomaaliya in marka hore codsiyadooda ay u gudbiyaan Midowga Afrika, kadibna loo gudbiyo golaha amaanka.
Dhinaca kale, si loo fududeeyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Somalia iyo Midowga Afrika, ayaa Golaha Ammaanka ee QM waxay ka codsan doonaan Xoghayaha Guud ee QM in la joojiyo isbeddellada la qorsheynayo in lagu sameeyo Xafiiska Taageeradda QM ee Somalia.
Gaar ahaan, Golaha Ammaanka ayaa ka codsan doona Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya inuu sii wado taageerada ilaa 17,626 askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay golaha ammaanka ka codsatay in muddo saddex bilood ah dib loo dhigo wajiga labaad ee dhimista ciidamada Afrikaanka ah, iyadoo codsigaasi uu helay taageerada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, balse amniga Goluhu waxa uu isku raacay oo kaliya in dib loo dhigo dhimista muddo bil ah kaliya shuruud ah in xukuumaddu kala hadasho codsigan Midowga Afrika.
0 Comments