Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Doosmarib ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga


Madaxweyne Xasan Sheekh

Shalay oo Isniin ahayd, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Magaalada Dosmarib ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, Wafdi ka socday Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Ibraahim Mete Yagli.

Sida laga soo xigtay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Maxamuud ayaa wafdiga Turkiga kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal, xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka amniga iyo arrimo kale oo dan guud ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu daabacay bogga “X” ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya intii uu socday kulanka uu ku bogaadiyay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Post a Comment

0 Comments