Xamza ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka inay gacan ka geystaan taageerada dadaallada nabadeed
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa kula dar daarmay in dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan nabadeynta iyo xasiloonida.
Khudbad uu Xamza ka jeediyay dad gaaraya 1,600 oo qof oo ku sugnaa Hotelka DoubleTree ee magaalada Bloomington ee dalka Mareykanka, wuxuu ku nuux-nuux saday guulaha ay dowladdu ka gaartay la dagaallanka Al-Shabaab, la dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada, sare u qaadista amniga iyo horumarka laga gaaray. habka deyn cafinta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in dowladda laga taageero geeddi-socodka nabadda iyo barwaaqada, wuxuuna sidoo kale ku dhiirri-galiyay Soomaalida-Maraykanka inay sii wadaan difaaca danaha dalka ee fagaarayaasha caalamka.

0 Comments