Soomaaliya waxa ay Imaaraatka ka codsatay in ay taageeraan dadaalada lagu soo celinayo xasiloonida goobihii la xoreeyay
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Macallin Cabdalla ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.
Kulanka ayaa looga hadlay taageerada Imaaraadka ee dadaallada lagu soo celinayo xasiloonida goobihii la xoreeyey, iyo sare u qaadida kaalmada Imaaraadka uu siiyo Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jira goobaha laga xoreeyay argagixisada, loona diyaar garoobo dhacdada El Niño, iyo in dowladda Imaaraadku ay xoojiso dadaalka ay ugu jirto maalgelinta adkeysiga iyo mashaariicda soo kabashada.
Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa sidoo kale kala hadlay Safiirka in Imaaraadka Carabta ay ka caawiyaan Hay’adda fududeynta kulamada ay la yeelanayaan dhiggooda Caalamka ee ka socda Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada ee uu Imaaraadka martigelinayo.
Danjire Ahmed Juma Al Rumaithi ayaa ballan qaaday in la fulin doono waxyaabihii lagu heshiiyey, wuxuuna caddeeyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay waddo qorshayaal dhaqaale oo gacan ka geysanaya dabacsanaanta la qabsiga isbeddelka cimilada.
0 Comments