Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaaray magaalada Doosmareeb ee xarunta maamulka Galmudug

 Gudoomiyaasha Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Galmudug


Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Doosmareeb ee xarunta maamulka Galmudug, si ay u taageeraan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Labada mas’uul iyo wafdigooda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Doosmareeb ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Taahir Ciid iyo ku xigeenno ka tirsan baarlamaanka maamulkaas iyo sidoo kale xubno ka tirsan dowladda maamulkaasi oo ku sugan bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kulan wada jir ah la qaataan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo labo bilood ku dhow ku sugan magaalada Doosmareeb si loo dar dar galiyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda Dowlad Goboleedyada. Galmudug iyo Hirshabeelle.

Post a Comment

0 Comments