Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi, ayaa ka qeyb galay shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay


Xamza Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa kaga hadlay dadaallada ay Xukuumaddiisu ku bixinayso hiigsiga horumarka waara ee Soomaaliya iyo heerka ay gaarsiisan tahay sida ay uga go’an tahay in dalka lagu gaarsiiyo amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Barre ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay la jaanqaadday qorshaheeda horumarinta qaranka iyo himilooyinka horumarinta joogtada ah ee Qaramada Midoobay, isagoo si gaar ah u xusay in tan iyo 2017-kii heerka saboolnimada uu hoos u dhacay 15%.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa taabtay talaabooyinka ay xukuumadiisu ku horumarinayso shacabka, sida maalgashiga tayada waxbarashada, fursadaha waxbarasho ee dalka, yaraynta jahliga, iyo hirgelinta dugsiyo lagu barto farsamada gacanta.

Barre ayaa intaas ku daray in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso sidii kor loogu qaadi lahaa hannaanka lagu kordhinayo wax-soo-saarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah, si Soomaaliya looga ilaaliyo saameynta isbedelka cimilada.

Post a Comment

0 Comments