Ciidamada Soomaaliya ayaa gacanta ku haya goobo istiraatiiji ah oo ku yaala bartamaha dalka
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa maamulka Galmudug iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen waxaa u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan deegaano istiraatiiji ah oo ku yaala bartamaha dalka.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Cawis Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay xoreeyeen 8 deegaan oo ay ka mid tahay “Baadwen” oo ka tirsan gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa tilmaamay in howlgalladaasi lagu burburiyay afar gaari oo ay wateen Al-Shabaab, lagana furtay hub, in ka badan 30 ka mid ah maleeshiyadii kooxdaasina laga saaray.
Waxa uu intaasi ku daray “Ciidanku waxa ay sidoo kale beegsadeen in ka badan 200 oo xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab laba deegaan oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo qorsheynayay weeraro.
Dowladdu waxay ku ammaantay gacan ku haynta deegaannadan inay tahay guul weyn oo ka hortageysa Al-shabaab oo weerarro ku qaaday deegaanno kale oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.
Waxaa xusid mudan in Al-shabaab uu cadaadis xooggan ku hayo gobollada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo sababay in ay gacantooda ka baxdo deegaannadii ay maamulayeen muddo toban sano ka badan.
0 Comments