Soomaaliya waxay ku socotaa wadadii horumarka iyo soo kabashada

 Ra'iisul Wasaare: Soomaaliya waxay ku socotaa wadadii horumarka iyo soo kabashada


Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii horumarka iyo soo kabashada.

Mar uu ka qeyb galayay bandhiga Filim ka hadlaya marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dadaalada lagu dhisayo qaranimada Soomaaliya ayuu Barre tilmaamay in muwaadiniinta dalkiisa ay go’aansadeen in ay iska qaadaan cadaadiska argagixisada iyo cadowga nabadda iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay mustaqbalka dhow noqoto meel ka caagan argagixisada, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen cudurrada aafeeyay dalka, sida: argagixisada, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.

Waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u soo jeediyay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu sheegay in kaalintooda ay ka qaadanayaan dhismaha qarannimada Soomaaliya, isagoo xusay in Jabuuti aysan wax dadaal ah ku bixin sidii Soomaaliya ay dib ugu soo kaban lahayd kadib burburkii dowladnimada Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments