Xamza Cabdi Berri ayaa ka dhoofay dalka isagoo ku wajahan dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirarka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay


Xamza Cabdi Berri

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ka dhoofay dalka, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo uu kaga qeyb galayo shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Xamza ayaa khudbadda dalkiisa ka jeedin doona fadhigan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo uu diiradda ku saari doono dadaallada ay dawladda Soomaaliya samaysay ee ku aaddan dhimista saboolnimada, xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, horumarinta waxbarashada, isbeddelka cimilada, iyo horumar waara.

Dhanka shirarka Golaha loo dhan yahay ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulamo kala duwan la qaato qaar ka mid ah madaxda iyo madaxda wufuudda ka qeyb galeysa shirarka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.


Post a Comment

0 Comments